Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyay Heshiiskii Doorashooyinka ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo Khudbad u jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay in Heshiiska midaysan ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalku ay ka gaareen Arrimaha Doorashada soo socota, uu si cad u muujiyay in Soomaaliya ay qaadday Dhabbe ku jihaysan nabad, xasilooni iyo barwaaqo.

Sidoo kale, wuxuu soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, si loo helo Xukuumad fulisa Heshiiskii Muqdisho ee lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa Sidoo kale ugu baaqay in Beesha Caalamku ay laba-jibbaarto taageerada ay siiso Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya, si gebi ahaanba meesha looga saaro Al-shabaab oo sida uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com