Madaxweynaha Hirshabeele oo Xilka ka qaaday wasiirkii Beeraha Maamulkaasi

Madaxweynaha maamulka , Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamulkiisa, Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, oo xilka looga qaaday Mr Isgoowe, ayaa wasiirka Cusub ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle loogu magacaabay Cabdulqaadir Abuukar Muxumed.

Madaxweyne Waare, wuxuu sheegay in isbeddelkaasi uu sameeyay, kadib markii uu arkay baahida loo qabo dardar gelinta hawlaha adag ee horyaalla Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com