Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si kulul uga hadlay dadkii la dilay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dadkii dhawaan lagu dilay degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo dhamaangood Shacab ahaa.
Cali Guudlaawe ayaa marka hore u tacsiyadeeyay qoysaskii igo asxaabtii ay daskaasi ka geeriyoodeen, waxaana uu ka digay in Colaada u dhaxeysa labada beeleed ee aanooyinka qabiil isku dilayai ay sii dheeraato.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu diyaar u yahay in uu gogol Nabadeed kala dhex-dhigo dhinacyada ay Colaada ka dhaceyso, isaga oo ugu baaqay inay wada-hadal ku xaliyaan wixii tabasho oo ay kala qabaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha ahir-Sbabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu sheegay xilli shalay uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.