Madaxweynaha Galmudug oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Maamulla Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad mid ah.

Qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa xiriir dhow la.leh Soomaaliya, waxaana ay ka taageeraan dhinacyada amniga, doorashooyinka iyo la dagaalanka Al-Shabaab