Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaladda Muqdisho ayaa Galabta dib ugu laabtay  Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xegeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baaramaamka  Galmudug, Dr maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo Xildhibaano ka katirsan  Galmudug, maamulka caasimada, iyo Saraakiil Ka katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa muddo 44 Cisho ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar dhowr ah oo looga hadlayay xalinta muranka doorashada.

Gelinka hore ee Maalinta berio ah ayaa waxaa la filayaa in uu Madaxweynaha Galmudug dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo wada-hadallada u socda Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com