Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, oo siweyn loogu soo dhoweeyay maanta Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladd Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta Magaalada Garoowe oo ah Caasimadda Gobalka Nugaal.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka DG Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Intaas ka dib waxaa loo galibiyay wafdiga Madaxweynaha Madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash oo warbaahinta la hadlay ayaa Saciid Deni uga warbixiyay xaaladda guud deegaannada Puntland; “ Madaxweyne Soo dhawoow, soo dhaweynta Puntland waad aragtaa, indhahaaga ayaa macalin kuu ah, Madaxweynahoodii u maqnaa baa tahay oo u soo laabtay, wixii war ah fadhi baynu kaga hadli donna” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Dhanka kale waxaa Warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Dowlad Gobaleedka Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay.

Saciid Deni Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa yiri “Doorashooyinku waxa ay iska leeyihiin laxaw,  is qoonsi iyo Tuhun bey leedahay, xilliga tartanka lagu jiro waa la is qoonsadaa oo waxbaa dhaca lakiin marka ay dhamaato waxaa haboon in laga gudbo oo aan gadaal lasoo eegin”

Madaxweynaha Puntland ayaa ka mid ahaa Musharaxiinta Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ahaa musharaxii ugu codka badnaa wareegii koowaad ee doorashada halka uu wareegii labaad uu galay kaalinta saddexaad sidaasna uu uga haray tartanka.

Deni inta uu joogay Muqdisho ayaa Madaxweyanah ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan karaash waxa uu sameeyay magacaabis, isaga oo xilka ka qaaday saddex Wasiir oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhaw Madxweyne Deni, balse ma noqon kuwa dhaqan gala.

Bulshada Puntland ayaa maanka ku heysay khilaafka Deni iyo Karaash ee soo bilaawday ka hor doorashada uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse warar ayaa sheegaya in labada Madaxweyne la dhex dhigay heshiis salka ku hayay khilaafka iyo xil ka qaadista Wasiirro iyo Agaasimayaal ka tirsan Dowlad Gobaleedka Puntland.

Soo dhaweenta Maanta ee Deni ayaa meesha ka saartay khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa, iyada oo lagu arkayay Baraha Bulshada Muuqaalo laga soo duubay qaar ka mid ah shacabka ka qeyb galay soo dhaweenta Deni taas oo hadal heen ka dhalatay ka gadaal markii soo dhaweenta Madaxweyne Deni uu ka qeybgalay ku xigeenkiisa Karaash.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com