Madaxweynaha Dalka Tanzania Saamiya Xasan oo Philip Isdor Mpango u magacawday Madaxweyne ku xigeenka Dalkaasi.

Madaxweynaha Tanzania Saamiya Suluhu  Xasan ayaa madaxweyne ku xigeen usoo magacaawday wasiirkii maaliyadda ee dalkaas Philip Isdor Mpango.

Waxaana magacaabista madaxweyne ku xigeenka cusub shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka ka hor ansixintiisa.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sacbiyay markii uu guddoomiyaha baarlamaanka shaaciyay Philip Isdor Mpango.

Ninkan madaxweyne ku xigeenka loo magacaabay ayaa bishii hore kasoo hormuuqday shir jaraa’id isaga oo qufacayo xilli uu ka tacsiyeeynayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo looga shakiyay inay u dhinteen cudurka Covid-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com