Madaxweyne Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland.
Xalay ayay madaxdu ku yeesheen Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweeyn ah oo horudhac u ah kulanka caawa loo ballansan yahay.
Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah.
Sidaasi waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya
Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay” ayuu yri Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com