Madaxda Xisbiyada AP,SV,SP oo wada hadalo maanta u furmay

Oslo:- Hogaamiyayaasha Xisbiyada ku guuleystay doorashada Norwey ayaa maanta u furmay wada hadalo ku aadan sidii dowlad wadaag u soo dhisi lahaayeen.

Gudoomiyaha Xisbiga AP ahna Ra,isul wasaaraha cusub ee Norwey ayaa ah mid ka shaqeynayay sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa kala duwanaanshiyaha ka dhex jira labada xisbi ee SP iyo SV.

Wada hadalada oo ka furmay Hurdalsjøen Hotell ayaa ah mid si toos ah u wada hadli doonaan hogaamiyayaasha labada xisbi ee SP iyo SV si meel isula dhigaan dhismaha dowlad ay ku wada jiraan.

Gudoomiyaha SP ayaa isagu ah mid aad ugu dhagan in xukuumada cusub kaliya noqoto mid ay dhistaan AP iyo SP .

Raisul wasaaraha cusub Jonas Gahr Støre ayaa isagu ah mid qorshihiisa koowaad ah xukuumad ay ku wada dhanyihiin sedexda xisbi maadaama ay heystaan awooda Baarlamaanka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta maanta ka hor furitaanka shirka ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in Go,aano wax ku ool ah shirkooda ka soo bixi doonaan.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com