Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo shir deg deg ah Isugu yeeray Golaha Badbaado Qaran

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubland ayaa shir Deg Deg ah isugu yeeray Golaha Badbaado Qaran.

Shirka ayaa la sheegaya in looga hadlayo khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka, waxaa ka qayb-galaya dhammaan dhinacyada ku midaysan Golaha Badbaado Qaran sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Shirka oo lagu wado in uu ka Furmo Xerada Xalane ayaa looga hadlayaa Ajadandaha shirka lagu wado in isna uu ka Furmo Teendhada Afasiyoone oo Villa Soomaaliya iyo Madaxda 3 maamul goboleed iyo gobolka banaadir ay doonayaan xaruunta teendhada Afisoyooni ay kula soo shir tagaan.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubland ayaa ka soo horjeeda in shirka uu Gudoomiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ismarkaana shirkaasi ay soo farageliso beesha caalamka si  cid ka madax banaan labada dhinac ay shir gudoomiso shirka lagu qabanayo Teendhada Afisiyooni

Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaan dooneyn in uu dib u dhaco furitaanka shirka ama uu fashilmo maadamaa labada maamul goboleed puntland iyo jubland ay aamin san yihiin in madaxweyne Farmaajo uusan wax sharciyad ah u heysan in uu Awood isticmaalo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com