Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo qaadacay shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.

Maamulka Jubland ayaa shaaciyay in aysan ka qayb geli doonin shrka uu maamul goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo

Sidoo kale Puntland ayaa inaya ka hadashay doorkeeda ku aadan  ka qaybgalka shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tagi doonin illaa inta ay martiqaad kaga  helayaan Beesha Caalamka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@araticusub.com