Madaxda Maamulada Hirshabeele Galmudug iyo Koofur Galbeed oo shir uu Uga Furmay Magaalada Baydhaba Daawo Sawirada

Magaalada Baydhabo ayaa shir uu uga furmay madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

Shirkan oo ah mid hal maalin socon doona ayaa saddexda maamul ay uga wadatashanayaan qorshaha ay la tagi doonaan shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo, halka madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu shalay ka degay xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo madaxweyne Farmaajo ayaa heshiis ku ah inaan waxba laga beddelin heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Berri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Bnaadir, iyadoo kala aragti duwanaan korortay ay weli u dhaxeyso madaxdii saxiixday go’aankii Dhuusamareeb 3 iyo Puntland iyo Jubbaland oo ka ahaa dibad joog.

Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/2021

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com