Xalay Waxaa magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Madaxweynayaasha maamullaad Galmudug ‘ HirShabeelle iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.
Shirka ayaa bilawday afurkii kadib ayaa kadhacay Hooyga Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu ka deganyahay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa mudo kororsiga loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka.
Shirka oo ahaa mid horay labada dhinac ay ugu balameen, markii kulamo gooni gooni ah yeesheen ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan mudo kordhinta ay xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.
Madaxda a maamullada Galmudug iyo HirShabelle ayaa laga filayaa in ay diidaan muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo ay u sameeyeen Xildhibaanada Muddo Xiledkoodu uu dhamadaay.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com