Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay Madaxda Dawlad goboleeda
Kulankaan oo uu ka maqnaa Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa mid looga hadlayay doorashooyinka dalka .
Madaxda Maamulada Puntland , Jubland , Koofur Galbeed Hirshabeele iyo Galmudug ayaa kulanka ka qayb galay.
Beesha caalamka ayaa wada dadaalo laysku keenayo dhamman hogaamiyaasha siyaasada Dalka si looga gudbo caqabadaha ku gadaaman doorashooyinka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku shegtay in Ergo loo diray Madaxda maamulad Puntland iyo Jubland waxaana Ergadasi ay kala yihin Madaxda Maamulada Galmudug , Koofur galbeed iyo Hirshabeele.
Afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah uu uga socday Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada Taabacsan iyo dhinaca kale kulamo kuwaas la mid ah muqdisho uu uga socday Madaxda maamulada Puntland iyo Jubland waxaana kulamadaasi ay ahaayeen kuwo looga hadlayay khilaafka dooarshada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
info@aragticusub.com