Madaxda Maamul goboleedyada oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Madaxda Dawlad Goboleedyada oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb galaya shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta Waxaa ka Furmaya shir uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu uu dhamaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo si loo  fuliyo heshiiskii 17kii sebtember ee arimaha doorashooyinka ee lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Puntland, Jubland Hirshabeele iyo Koofur galbeed ayaa maanta la filayaa in ay soo garaan Magaalada Muqdisho si  ay uga qaybgalaan shirkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com