Madaxda Dawlad Goboleedyada oo uu shir uga Furmay Muqdisho

Shir u dhexeya Madaxda Dawlada Goboleedyada ayaa maanta ka Furmay Gudaha Xerada xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan 5ta Madax Dawlad goboleedyada ka jira dalka , waxaana looga arinsanayoo sidii xal looga gaari lahaa doorashooyinka Dalka .

Wakiilada beesha Caalamka eek u sugan Muqdisho ayaa dadaal ku biximayaa sidoo madaxda Soomaalida ay isku Fahmi lahaayeen doorasho loo dhan yahay ay uga qabsoomi lahayd dalka.

Madaxda ka qayb galaysa shirkaan ayaa kala ah:

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdilaahi Deni.

Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi casiis Laftagareen

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkaan maanta uga furmay madaxada Dawlad goboleedyada dalka islamarkaana ka dhacaya Hotel ku yaala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la filayaa in uu ka soo baxo qodobo la xiriira heshiis la gaaro doorashooyinka Dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com