Munaasabad laguna soo dhaweynayey Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Muqdishoayaa lagu Isla Magaalada Muqdisho .
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Beelaha Hawiye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cali Mahdi oo ay wehliyaan dhammaan madaxda Dowlad goboleedyada Dalka Sida madaxweynand yaasha Puntland Saciid Deni, Jubland Axmed Islaam, Koofur Galbeed Cabdulcasiis Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Qoor-qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.
Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Axmed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/rashmaan Cabdishakuur, Xubno ka tirsan goleyaasha DFS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Galmudug oo munaasadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoona beesha Ku amaanay sida ay had iyo goor u garabtaaganyihiin nidaamka dowliga
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com