Madaxda Dawlad Goboleedyada oo ka shiray Marxalada kala guurka ee Dalka uu ku jiro

Madaxda dowlad goboleedyada ee  ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa yeeshay kulan ay kaga hadlayeen  xaaladda siyaasadeed iyo Arimaha doorashooyinka dalka .

Madaxda Maamulada , Galmudug, Puntland , Jubbaland,  iyo Koonfur Galbeed ayaa kulanka waxa ay ka  yeesheen xaalada dalka wixii ka dambeeya 8-da Febaraayo, maadaama uu muddo Xileedka  Madaxweyne Farmaajo beri ay ku egtay.

Waxay madaxdaasi  si doo kale kawada hadleen xaaladda siyaasaded ee guud ee dalka heli Soomaaliya waxaana Ujeedada kulankooda uu ahaa sidii loo heli lahaa xal kale oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Shirkii Dhuusamareeb ayaa Fashil ku soo dhammaaday Iyadoona Madaxweyne Farmajo oo marka horeba isugu yeeray Madaxda Dawlad goboleedyada oo isaga soo tagay Dhuusamareeb ka dib markii Isaga iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ay isku qabteen arinta gobolka Gedo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com