Madaxda Dawlad goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ku kulmaya Muqdisho

Wakiilada Beesha Caalmaka eek u sugan Soomaaliya iyo madxada dawlad goboleedyada oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Safiirada Dalalka Beesha Calamka eek u sugan muqdisho iyo Qaramada Midoobay ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo laysugu keenayo maxada Soomaalida si heshiis looga gaaro murunka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka maanta ay muqdisho ku yeelanayaan wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxda dawlad goboleedyada ayaan lagu casuumin madaxweyne Farmajo oo uu Muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli Dawlada waqtigeeda uu dhammaaday ee madaxweyne Farmaajo ay ku Eedeeysay Safiirada Beesha Caalamka eek u sugan muqdisho Faragelin ay ku haayaan arimaha soomaaliya waxaana hadalkasi warbaahinta u shegay wasiir Dubbe oo ka Tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta ee madaxweyne Farmaajo uu Hogamiyaha ka yahay.

  Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com