Muqdisho: Aragticusub war saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul uga hadlay marxalada uu haatan dalka marayo iyo Dilkii habeen kahor ka dhacay Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.
Qoraalka madasha ayaa waxaa lagu Cambaareeyay Dilkii habeen hore loo geystay laba Ruux oo shacab ahaa oo uu si bareer ah u toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda.
Sidoo kale Madasha xisbiyada qaran ayaa ku baaqday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda ee caadeystay dilalka iyo xad-gudubka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu cadeeyay in Bandowga lagu soo rogay Caasimadda dalka ee Muqdisho uusan soo marin habraacii saxda ahaa ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com