Madasha Badbaado Qaran oo qoraal ay kaga hadlayaan Fashilka Madaxweyne Farmaajo u diray Beesha Caalamka

Madasha Badbaado Qaran ayaa Qoraal ay u direen dalal iyo hay’ado caalami ah ku dalbaday inay si deg deg ah usoo faro-geliyaan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa Madasha Badbaado Qaran waxa ay u direen  xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab,

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Madasha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah, sababtoo ah “madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu  ku guul-darreystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo, taasi oo aheyd mas’uuliyadda madaxweynaha.”

Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku sheegtay in Farmaajo uu shir ku baaqay, xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.

Madasha Badbaado Qaran Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu weli sii wado inuu xasilooni darro ka abuuro dalka isaga oo ciidamo geeyay gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.

Qoraalka Madasha Badbaado Qaran ayaa sidoo kale lagu sheegay in Farmaajo uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay kusheegen  isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Waxay sheegeen in shirka shanaad ee uu Farmaajo ku baaqay looga gol leeyahay in lagu raali-geliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan lahayn  wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen inay aad u adag tahay in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, ayada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday,

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqy shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com