Madal looga dhawaaqay Muqdisho: War saxaafadeed+ Sawiro

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagaga dhawaaqay madal ay ku mideysan yihiin madaxda maamulada Puntland , Jubland iyo Midowga musharixiinta .

Madashaan oo loogu magacdaray Badbaado Qaran ayaa Aasaaskeeda waxaa ka qayb galay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubland oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan sheikh Maxamuud iyo Shariif sheikh Sidoo kale  Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Ku dhawaaqista madashaan Badbaado Qaran ayaa ku soo aadeyso iyadoo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay ka jiraan Muqdisho islamarkaana weli khilaaf uu ka taagan yahay qabsoomida doorasho wada ogol ah oo dalka ka dhacda.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Madasha Badbaado Qaran:

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com