Madaafiic culus ayaa xalay lagu weeraray magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan
Dhowr hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafadaha buundweyn iyo Howl Wadaag waxaana hoobiyeyaashaas lix kamid ay ku dhaceen xaafada Howl Wadaag halka sadax kalana la sheegay in lagu tuuray xaafada buundweyn
Hoobiya yaasha ayaa intooda badan lagu garaacay xerada ciidamada Jabuuti oo ka Tirsan amisom ee ku Taala duleedka Magaalada Baladweyne aydoo amisom ay dhankood ay ka jawaabeen Madaafiicdaasi lagu weeraray
ma jirto wali wax khasaara ah oo laga soo sheegayao goobaha ay hoobiyaashan ku soo dhaceen
Dadka ka Agdhaw goobaha madaafiicada lagu Tuuray ayaa cabsi xoogan ka muujiyay madaafiicdaasi ayadoo xili habeen ah ay hoobiyeyaasha soo dhaceen oo dadka ay huradad ka soo tooseen.