Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu Tuuray Xerada Xalane

Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegaya in Xerada Xalane oo ay deganyihiin Qaramada Midoobay iyo wadamada Beesha Caalamka safaarado ay ku leeyihiin lagu weeraray Dhowr Madfac oo Hoobiye ah

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay Hoobiyayasha balse waxaa la sheegay in dhowr xabo oo hoobiye ah halkaas lagu tuuray

Weerarkaan madafiicdaha ayaa imaanaya iyadoo Teendhada Afisiyoone ee ku taala garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabanayo shir u dhexeya Dawlada Federaalka ,Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir Waxaana shirkaasi kor kala socon doona Dalalka Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka la yiraado.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com