Wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xirayo dugsiyada waxbarashada xilli uu deegaannadaas si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.
Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.
Wasiirka waxbarashadaSomaliland wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.
Arintaan ayaa imaaneysaa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com