Maamulka Puntland oo War Culus ka soo saaray Xakameynta Sicir Bararka

Maamulka Puntland ayaa xalay go’aan kale ka soo saartay xakamaynta sicir-bararka baahsan ee ka jira gudaha Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa amar ku siiyay dhammaan Shirkadaha isticmaala adeegyada Lacag-dirista danabaysan ee ( E-money), in aysan nidaamkooda ku samayn Karin Lacag Shiling Soomaali ah.
Wasaaraddu waxay sidoo kale Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.
Amarkaas ayaa ku soo beegmay, xilli maanta oo Sabtiya uu Puntland ka dhaqan-gelayo go’aan Khamiistii ka soo baxay xukuumadda, kaas oo lagu joojiyay in hal Dollar iyo wixi ka yar la isu’gu diro nidaamka Electrooniga ee Emoney loo yaqaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com