Maamulka Puntland oo qaadacay ka qaybgalka shirka ka Furmaya Muqdisho

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay  diideen ka qayb galka shirka looga hadlayo Arimaha doorashooyinka , kaas oo la filayo in uu mnaata ka Furmo Muqdisho.

Wasiirka Arimaha  gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay qoraal kooban soo bandhigay , ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka.

Ma jiro shir Dowladda Puntland og tahay ama ka qaybgalayso oo dhacaya Mogadisho.” Ayuu yiri Dhabancad

Wasiir Dhabancad  waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in la soo qortay ajande aan heshiis lagu ahayn, taasina ay keeni doonto fashil ku yimaada qabsoomidda Shirka.

In shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto waxay horseedi kartaa fashil ku yimaada qabsoomidda shirkii la rajaynayey inuu Xamar ka qabsoomo.”

Sidoo kale Wasiirka  wuxu xusay in Puntland ay rajaynayso in dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan qabsoomidda doorasho wadar-ogol ah oo si nabdoon ku dhacda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com