Maamulka Puntland oo la wareegay daryeelka laba gabdhoob oo looga tagay garoonka diyaaradaha ee Garowe

Maamulka  Puntland ayaa  la wareegay Xanaaneynta  laba carruur ah oo todobaadyo ka hor haweenay uga dhuumatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada  Garoowe.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha maamulka  Puntland ayaa baahiyay  in laba gabdhood oo da’doodu ka yartahay shan sano ay puntland la wareegtay si ay u helaan daryeel iyo xannaano.

Xafiiska ayaa sidoo kale u mahadceliyay Qoys mudda laba Asbuuc ah gacanta ku hayay labadan gabdhood oo lagu kala  magacaabo  Sidra iyo Siman.

Waa markii ugu horreeysay Maamula Puntland ay la wareegaan Daryeelka Laba Caruur ah oo looga tagay garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com