Maamulka Puntland oo Hubka ka mamnuucay degaanada Gobolka Sanaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland Siciid Axmed Jaamac ayaa war Qoraal ah oo uu soo saaray Gobolkaas sanag ka mamnuucay Hubka aan ahayn kan dowladda puntland in lagu qaato gobolkaasi.

sidoo kale waxaa uu  sheegay in Gobolka Sanaag laga mamnuucay dhammaan Gaadiidka aan wadan Taargada Puntland.

Sidoo kale wuxu sheegay in degmada Badhan ay 15 bishan ka bilaaban doonto qaadista Canshuurta dowladda hoose.

Guddoomiyaha  ayaa ku hanjabay in qofkii bixin waaya canshuurta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga Puntland u Degsan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com