Maamulka Puntland oo xal ka gaaray Colaad ka Taagneyd Degaanka Dhuumood ee gobolka Sool

Xuno ka tirsan Maamulka  Puntland, ayaa ku guulaystay in heshiis nabadeed laga gaaro muran ku saabsan dhul-daaqsimeed iyo ceelal, oo ka jiray degaanka Dhuumood ee Gobolka Sool.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland, iyoxubno ka Trsan mamulka  Gobolka Sool , kan gobolka Nugaal, iyo xildhibaanno baarlamaanka Puntland , ayaa sheegay  in la xalliyay Coladii ka taagneyd Dhuumood.

Xubnahasi ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka laba beelood oo halkaasColaada ay ku dhexmaartay , waxaana la sheegay in lagu guulaystay in heshiis nabadeed lagu dhammeeyo Colaada ka dhexeysay.

Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in la kala qado laba malayshiya-beeleed oo isku horfadhiyay degaanka Dhuumoodee goboilka Sool.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com