Maamulka Madaxweyne Biden oo Cunu qabateyn ku soo rogay Ruushka

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka isagoo ka jawaabaya waxa uu ku sheegay weerarrada dhanka internet-ka iyo falal kale oo cadowtinnimo ah.

Tallaabooyinkaas, oo saameynaya dhowr shirkadood oo Ruushka laga leeyahay iyo saraakiil, ayaa looga gol leeyahay in looga hortago “ficillada xun ee Ruushka”, ayuu yiri Aqalka Cad.

Warbixinta Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in sirdoonka Ruushka uu ka dambeeyay dhacii sanadkii la soo dhaafay loo geystay “SolarWinds”, waxayna Moscow ku eedeyneysaa faragelinta doorashadii sanadkii 2020.

Ruushka ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha wuxuuna sheegay inuu ka falcelin doono.

Bishii la soo dhaafay Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday toddoba sarkaal oo Ruushka u dhashay iyo tiro dhowr ah oo hay’adaha dowladda ah sababo la xiriira sumeyntii Alexei Navalny oo ah nin mucaarad ku ah xukuumadda Kremlin. Ruushka ayaase sheegay inuusan ku lug lahayn.

Wada hadal uu Talaadadii qadka telefoonka kula yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin, ayuu Mr Biden wacad ku maray inuu “si adag” u difaaci doono danaha qaranka Mareykanka, isagoo soo jeediyay kulan lala yeesho Mr Putin si ay labada dal iskala shaqeeyaan meelaha ay isku mari la’yihiin.

Khamiistii, Mr Biden ayaa go’aankiisa uu cunaqabateynta ugu soo rogay Ruushka ku qeexay inuu yahay “mid aan dhammeystirneyn”.

“Waan u caddeeyay Mr Putin inaan sameyn karnay wax intaas ka badan, balse waxaan door biday inaan sameyn,” ayuu Mr Biden u sheegay weriyeyaasha. “Mareykanku ma doonayo inuu bilaabo mowjad dagaal oo lala galo Ruushka.”

Wuxuu intaas ku daray in sida hore loogu socon karo ay tahay “wada xaajood laga fekeray iyo hannaan diblomaasiyadeed”.

Warbixinta ka soo baxday Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in cunaqabateynta cusub ay muujineyso in Mareykanka “uu Ruushka saari doono cunaqabateyn istaraatiiji ahaan iyo dhaqaale ahaanba saameyn ku yeelan karta” haddii uu sii wado “carqaladeynta howlaha caalamiga ah”.

Waxaa lagu caddeeyay aragtida maamulka Biden uu ka qabo in dowladda Ruushka ay ka dambeyso weerarradii internet-ka ayna isku dayeysay “carqaladeynta in doorasho xor iyo caddaalad ah” ay ka dhacdo gudaha Mareykanka iyo dalalka xulafadiisa ah.

Waxay si gaar ah ugu eedeyneysaa waaxda sirdoonka Ruushka, SVR, weerarkii SolarWinds, kaas oo dembiilayaasha internet-ka u fududeeyay inay gudaha u galaan ilaa 18,000 kumbiyuutarro isugu jira kuwo ay dowladdu leedahay iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Waxyar kaddib markii cunaqabateynta lagu dhawaaqay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ugu yeertay “tallaabooyin cadowtinnimo ah oo sare u qaadi kara xiisadda”.

“Amarkaas cadowtinnimada leh wuuxu dabcan heli doonaa jawaab ku habboon,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda.

Danjiraha Mareykanka ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Midowga Yurub, Nato iyo UK ayaa dhammaantood soo saaray warbixinno ay ku taageerayaan tallaabooyinka Mareykanka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com