Maamulka Jublnad oo Si Adag uga hadlay doorashooyinka ka dhacidoona Degaanada Jubland

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka, xaaladaha kala guurka ah iyo faragelinta ay Dowladda Federaalku ka hayso gobolka Gedo ee Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Maamulka jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in jubbaland ay fahamsan tahay muhiimada ay leedahay kana Shaqeyneyso in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeda ku dhacda, hufnaan ku saleysan, loo siman yahay xor iyo xalaalna ah, taas oo Soomaaliya u horseedi karta midnimo iyo dowlad Wanaag.

Sidoo kale jubbaland waxaa ay sheegtay in qeyb weyn kasoo qaadateen shirarkii looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka dalka, taas oo ugu dambeyn sababtay in heshiis doorasho lagu gaaro 17-kii bishii siteember Magaalada muqdisho. Madaxtooyada

Soidoo kale Maamulka ka hadlay Arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka ee la filayo in lagu qabto degaannada Jubbaland waxaa ay sheegtay inay dalbanayaan in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo si ay ugu qabtaaan doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com