Maamulka Jubland oo qabanayo doorashada Xubnaha ka dhiman Aqalka sare

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Jubaland (SEIT) ayaa Soo saaray Jadwalka kuraasta dhiman ee Aqalka Sare ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Xafiiska wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com