Maamulka Jubland oo Cambaareeyay Iska Hor’imaadyadii ka dhacay Muqdisho

Maamulka Jubland ayaa cambaareeyay weerarkii Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku qaadeen midowga Musharixiinta

Qoraal ka soo baxay maamul goboleedk Jubland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidanka Qaranka loo adeegsado bur burinta Hantida shacabka iyo lagu wax yeeleyo Madaxdii hore ee Qaranka

Maamulka Jubland ayaa sheegay iyadoo Dawlada Waqtigeeda uu dhammaaday ay ka baaqsan kartay colaado in ay abuurto ayaa waxa ay ku kacday Ficilo guracan oo lagu wax yeeleeynaayo Dadkii u soo Halgamay Qaranimada Soomaaliya kaalin weyna ka soo qaatay dhismaha Heykalka Dawladnimo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com