Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Go’aannadii Midowga Afrika.

Maamulka Jubbaland ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan Go’aanadii kasoo bay Shirkii dhawaan ay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ku yeesheen Golaha Amniga & Nabadda Midowga Afrika oo ay uga hadleen xaalada Soomaaliya.
War qoraala oo ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aanada Midowga Arfrika oo ay kamid ahaayeen inay cambaareeyeen muddo kordhintii Golaha Shacabka ay u sameeyeen Hay’adaha dowladda, iyaga oo ku baqay in dob loogu laabto wada-hadallada la xiriira doorashooyinka.

“ Jubbaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.
Inta badan qodobadii kasoo baxay Shirkii ay yeesheen Golaha Amniga & Nabadda Midowga Afrika ayaa waxaa kasoo horjeestay Xukuumadda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qodobadaas ay ahaayeen kuwo wax u dhimaya Madax banaanida Soomaaliya.