Maamulka Hirshabeele oo u diyaargarobaya doorashada Xildhibaanada Cusub ee Golaha shacabka

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Dhexe aya sheegaya in magaalada jowhar oo ah xarunta dawlad goboleedka Hirshabeele ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee diyaarga doorashada Golaha Shacabka .

Xubno ka Tirsan Gudiga doorashooyinka Heer Federaalka ayaa la filayaa in isla maanta ay ay gaaraan magaalaa Jowhar halkaas oo ay kula kulmi doonaan xubno ka tirsan Madaxda Hirshabele si ay uga wada hadlaan qabsoomida doorashada Golaha shacabka .

3 kursi oo ka mid ah kuraasta xildhibaanada Cusub ee Golaha shacabka baarlamaanka 11aad ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Jowhar ee Caasimada dawlad goboleedka Hirshabeele.

Si kastaba ‘ ahaatee’ Maamulka HirShabelle ayaa qorsheyneya inay guda-bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golah Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta taalla maamulkaasi

Xafiiska wararka muqdisho

Info@aragticusub.com