Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Tacsi tiraanyo leh u diray ehelkii qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen Shacabkii ku dhintay qaraxyadii saaka ka dhacay Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan xilli aroor ah , iyo askartii dhimashada iyo dhaawaca ku noqotay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa ugu baaqay hay’addaha kala Duwan ee cafmaadka in la sameeyo gargaar Cafmaad oo degdeg si loo badbaadiyo Shacabka dhaawaca ah ee u baahan daryeel cafmaad oo Degdeg ah shacab-kane aay dhiigooda bixiyaan.
“ Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu wadaa dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu soo Afjarayo haraadiga Al-Shabaab waxuuna gurmad u fidinayo Shacabka dhibaatadu ka soo gaartay Weerarada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Maamulka.
Al-Shabaabka looga Adkaaday gulufka howlgallada ka dhanka ah ee Gobalka hiiraan ma cabsi gelin doonaan marnaba ficiladooda ma Cabsi Gelin doonaan guud ahaan maamulka iyo Shacabka ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka Maamulka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen inay weerareen goobo laga soo abaabulayay weerarada ka dhanka ah Al-Shababa ee ka dhaca gobolka Hiiraan.