Maamulka gobolka Hiiraan oo shacabka uga digay fatahaadaha webiga Shabelle {AKHRISO}

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in magaalada Beledweyne aay kusoo wajahanyihiin biyo aad u badan, wuxuuna baaq u diray qeybaha bulshada, dowlada federaalka iyo hay’adaha caalamka inaay ka qeyb-qaataan sidii looga hortagi lahaa.

 

“Qadka isgaarsiinta ayaan kula xariirnay dhanka Itoobiya, waxaay noo sheegeen in webigu uu fatahaad ka sameeyay deegmada Qalaafe, waxaay dadku inoo sheegeen in biyuhu aay ka badanyihiin kuwii sanadkii dhawaa ku dhuftay magaalada Beledweyne, waxaan baaq u dirayaa qeeybaha bulshada, dowlada iyo hay’adaha, waxaan ka codsaneeynaa inaay ka qeeyb-qaataan kahortaga webiga Shabelle” Sidaas waxaa yiri gudoomiye Jeyte.

 

Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in magaalada aay haaysteen dhibaatooyin kala duwan oo aay kamid yihiin dhibaato dhaqaale oo uu keenay cudurka Covid19, islamarkaana shacabku aay wajahayaan xaalad adag.

 

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa shacabka Beledweyne ugu baaqay inaay ka foojignaadaan fatahaadaha, waxaana dadka degan hareeraha webiga Shabeelle uu ujeediyay inaay ka fogaadaan. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulku uu sameeyn doono dadaalo looga hortagaayo fatahaadaha webiga Shabeelle.

 

Shacabka magaalada Beledweyne ayaa dareemaya cabsi badan oo ku aadan fatahaado uu geeysto webiga Shabeelle. Waxaan wararka cabsida ah soo wariyay dad kusugan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com