Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaan hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana laga helayaa howlgalka faah faahino dheeraad ah.
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa 27-aad iyo maleeshiyaad is abaabulay ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ku qaaday deegan Booco oo qiyaastii 45KM u jir Baladweyne, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Cismaan Inji oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka Ciidamada ay Maanta ka fuliyeen deegaanka Booco, uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed Cabdalla in howlgalka lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, ayna Ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka hubeysan ee is abaabulay ay xabsiga kasii daayeen 30 ruux oo ay xireen Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in Shabaab ay Maxkamad ku lahaayeen deegaanka Booco oo hoostega Magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka Al-shabaab ee laga wado deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com