Maamulka Gobolka Banaadir oo sagootiyay Caruur Xaalad caafimad loogu qaaday Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa maanta garoonka diyaarada Aadan Cade ka sagootiyay 3 Caruur ah oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga kadib markii wadanka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti iyo Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sagootiyay caruuurtaasi iyo waalidiin tooda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com