Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in aan la aqbali doonin banaanbaxyo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu warbixin ka siiyay ka qeybgalayaasha shirka waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay soo dhaweeyeen dhamaan daneeyeyaasha Siyaasadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimada ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir. waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Warkaan kasoo yeeray Maamulka Gobolka Bamaadir ayaa daba socda xilli Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho uu ka socdo diyaar garoowga Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Carmaajo, kaas oo la qorsheeyay in uu dhaco Khamiista todobaadkaan