Maamulka Galmudug oo sheegay in ay Xoojiyeen dagaalka ka dhanka Alshabaab

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dawlad Goboleedka Galmudug Abshir Cabdi shiiqoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka war bixiyay dhaqaaqyaada ciidan ee ka socda degaannada Galmudug ee lagu doonayo in lagula wareego gooboha ay ku sugan yihiin Alshabaab Galmudug.

Wasiir Abshir Cabdi shiiqoow ayaa intaasi ku daray in uu socdo Abaabul xooggan oo ka dhan ah Alshabaab , islamarkaana looga saarayo degaannada iyo degmooyinka ay uga sugan yihiin Galmudug, waxana uu sheegay in ay rajeeynayaan in saacadaha soo socda ay la wareegi donnaan gacan ku heynta degmada Xarardheere oo ka Tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay saacadihii la soo dhaafay isaga bexeen Alshabaab.

Ugu dambeyntii’ Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaannada Galmudug in ay sii wadaan ka qayb qaadashada dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab ee ka socdaa Galmudug.