Maamulka G/Hiiraan oo Amray in Ciidamo la kala dhex-dhigo maleeshiyaadka dagaalamay

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa  uu ku baaqay in sharuud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka ka Socda degaanka Harcadeey oo oo qiyaastii 6km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.

Guddoomiyaha Gobolka Hiira  Cali jeyte Cusmaan ayaa faray Laamaha amaanka in ay kala dhexgalaan dagaalka ka-dhex Qarxay Maleeshiyo beeledyadda ku dagaalamayo Halkaas, kuwaas oo isku heysta dhul Beeraleey ah.

Taliyaha Guutada 5aad Qeybta 27aad Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaliyeed

Maxamud X assan Ibraahim Baakay &Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle  Korneyl Xassan Dhisisoow Xassan ayaa qorsheynaya inay siwadajir ah  Ciidan  kala Dhex-dhigaan maleeshiyaadka dagaalamaya, iyada oo sidoo kaler ay tegi doonan Xubno ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com