Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada GalMudug oo ay wehliyaan Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo nabadsugida ee Heer degmo iyo Xubno ka tirsan Maamulka Degmada ayaa kormeerkii ugu horeeyey ee Maamulka Cusub ku gaaro meel ka baxsan Magaalada Dhusamareb ku tagey Deegaanka Ceel-dheere oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb .
Kormeerkan ayaa la xiriira sidii loo hagaajin lahaa Maamulka deegaankaasi iyadoo wadatashi mug leh lala sameynayo Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada .
Xubnaha maamulka waxaa deegaanka Ceel-dheere Ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Deegaanka , Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo kaga xog waramey guud ahaan culeesyada wax ka qabashada u baahan waxaana goobtaasi ugu horeyn ka hadley Guddoomiyaha Ceel-dheere C/llaahi C/raxmaan Raage iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka
Xoghayaha Maamulka Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Caasimada Galmudug Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ugu dambeyn la hadley Bulshada Deegaanka Ceel-dheere waxa ayna u balan qaadeen inay ka shaqayn doonaa Horumarka
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com