Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay isk hor imaad xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii koox la sheegay in miino ku aasayeen wado dhex-marta Suuq Bacaad iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaal dhexmaray.
Wararka ayaa sheegaya in la toogtay mid ka mid ah raggii aasayey miinada, halka ay baxsadeen labo kale, sida uu xaqiijiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Yaaqshiid Cabdullaahi Yuusuf Maxamed Shiilow
Shiilow ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogta raggaasi, kadibna ay qaadeen howl-gal qorsheysan oo ay uga hortageen falkaasi.
“Ciidamada ammaanka waxa ay heleen xog sirdoon oo ah in Miino la gelinayo wado suuq bacaad katirsan oo ay si gaar ah u isticmaalaan madaxda Degmada, durba waa ay ka jawaabeen, markii ay meesha tageen waxa ay israsaaseyn kala kulmeen kooxda miina dhigeysay oo qof laga dilay, halka ay baxsadeen labo kale oo lagu daba-joogo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.
Wuxuu intaasi ku daray inar wadaan baadhitaano dheeraad ah oo lagu suganayo amniga guud ee degmadaasi.
Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayey muddooyinkii la soo dhafaay weerarada qaraxyada ah, gaar ahaan Miinooyinka lagu Aaso Wadooyinka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com