Maamulka Degmada Warta Nabadda oo bur buriyay dhismayaal sharci darro ah

Maamulka Degmada Warta Nabadda ayaa burburiyay dhismooyin si sharcidara ah oo laga dhisay waddo dhaxmarta Waaxda 3-aad ee Degmada Warta Nabadda, iyadoo maamulka degmada uu horey muda 90-cisho ah u qabtay dadkii ku ganacsanayay dhismooyinkaas sharcidarada ah.

Dhismooyinka uu Maamulka Degmada burburiyay ayaa ah kuwa si sharci darrada looga dhistay hareeraha waddada taas oo caqabad ku noqotay dib u dhis lagu sameyn lahaa wadadani.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir Seynab Maxamud Warsame (Xaabzeey) oo Warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa sheegtay in digniina dhowr ah ay horey u siiyeen dadkii dhismooyinka sharci darrada ah dhisatay.

Guddoomiye Seynab ayaa sidoo kale sheegtay in wadadani dhawaan laga fulin doono mashruuca dhismaha waddooyinka xaafadaha mara, taas oo wax weyn ka badali doonto isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.