Maamulka cusub Jaaliyada Bergen oo kormeero kala duwan ku tagay goobaha ay isugu yimaadaan Soomaalida.

Guddoomiyaha cusub ee dhawaan ladoortey ee maamulka Jaaliyada magaalada Bergen oo ay wehliso Xog-heynta maamulkaasi ayaa kormeero kala duwan ku tageen goobaha ay isugu yimaadaan Soomaalida iyadoo goobihii ay tageen si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Gudoomiye Ayaan Macalin Cabdulle oo kormeertey goobaha ganacsiga soomalida iyo meelaha lagu shaaheeyo oo ay ku kala sugnaayeen rag iyo dumar oo isugu jira cuqaal iyo wax garadka bulshada kunool magaalada Bergen ayaa dadkii kusugnaa goobihii ay booqatey ayaa sheegeen in ay tahay markii ugu horeysey oo ay arkaan masuul maamul jaliyadeed oo kormeer ugu yimaada.

Dadkii ay booqashada ugu timid Guddoomiyaha maamulka jaaliyada Magaalada Bergen oo ku faraxsanaa booqashadeeda oo halkaasi kahadley waxay u muujiyeen garab istaag, halka ay la wadaageen baahiyaha taagan oo ay muhiimka tahay inay xooga saarto wax ka qabashadooda.

Gudoomiye Ayaan ayaa balanqaaday in wax qabad ay la imaan doonto, iyadoo sidoo kale sheegtey in isdhexgalka bulshada oo sportiga qeyb uu kayahay ay dhaqaalo ku bixin doonaan si loo horumariyo sportiga oo xiligan baahi badan loo qabo.

Maamulka jaaliyada Magaalada Bergen ee hormuudka u tahay gudoomiye Ayaan Macalin Cabdule  iyo xubnaha kale maamulka Jaaliyadda ayaa la sheegay in wax badan ay kaga duwan tahay kuwii hore ee soo maray maamulka Jaaliyada Magaalada Bergen ee gobolka Vestland.

Xafiiska wararka Bergen

Info@aragticusub.com