Maamulka Bangiga Dhexe oo ka hadlay Dabkii ka kacay Xarunta Bangiga

Muqdisho: Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  ayaa war kasoo saaray dabkii xalay saqdii dhexe deb ka kacay Xarunta Bangiga ee ku taalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay maamulka Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in dabka markii hore uu ka bilowday qol kamid ah xafiisyada dambe ee Bangiga Dhexe, isla markaana uu dabkaas uu ka dhashay koronto, hayeeshee markii dambe la demiyay.

Sikartaba debkii xalay ka kacay xarunta bangiga dhexe ayaa dad farabadan shaki ka muujiyeen.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com