Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku dhawaaqay go’aan Wadajir ah.

Galmudug iyo Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Shirka Iskaashiga amniga waxaa shir guddoominayey wasiirada Amniga labada maamul ee kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo C/samad Maxamed Galan, waxaana ka qeybgalay wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Labada Guddoomiye heer Gobol, labada Guddoomiye heer degmada Gaalkacyo, taliyaasha laamaha amniga ee Booliska, Nabadsugidda iyo Daraawiishta iyo xildhibaanno Galmudug barlamaankeeda ka tirsan iyo garsoorka.

Shirka ayaa lagu qiimeeyey xaaladda amni ee gobolka Mudug, dhaqdhaShirka iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah DFS ee qaaqyada argagixisada iyo adkaynta nabadda magaalooyinka iyo deegaanada miyiga ah.
Gabagabadii shirka waxaa la isku raacay in Xubnaha Al-Shabaab ee ku soo durkaya deegaanno ka tirsan Koofurta Mudug gaar ahaan aagga Bacaadweyne in hawlgallo ciidan oo wadajir ah oo deegaanadaas looga saarayo la qaado, Puntlad-na ay gacan laxaad leh ka geysato hawlgalkaas, waxaana hoosta laga xariiqay in amniga labada maamul uu isku xiran yahay, hey’adaha amniga ay dhinac walba iska kaashadaan dhinac walba iyo goob kasta oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in dhacdooyin dilal ah oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno dhowr ah sida ugu dhaqdiyaha badan lagu xalliyo ayna maamuladu fududeeyaan kaalinta uga aadan xalka dhacdooyinkaas.
Ugu danbayn magaalada Gaalkacyo waxaa shirku hoosta ka xariiqay in amnigeeda la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay laba jibaaraan wada shaqaynta iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com