Maamulada dalka qaarkood oo sheegay in maalinta berrito ay ciid tahay

Qaybo badan oo dalka ka mid ah ayaa looga dhawaaqay in berrito ay tahay maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, iyadoona bulshada loogu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa saqdii dhexe ee caawa shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal uu ugu hambalyeeynayo maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliya ayaa waxay goor dhow iclaamisay in Sabtida ay tahay maalinta 1aad ee bisha Shawaal, oo dadka qaarkii ay u garanayan (Soon-fur).

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Shawaal.

Maamulka Jubbaland ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqay in Sabtida ay tahay maalinta 1aad ee Ciidda, ka dib markii uu maamulku sheegay in bisha laga arkay deegaanada Jubbaland.

Maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa sidoo kale la fillaya inay u hoggaansamaan awaamiirta Dowladda Federaalka, ay ku sheegtay in berrito ay ciid tahay, balse ma cadda in deegaanada Puntland laga ciidi doono iyo in kale.

Sidoo kale saqdii dhexe ee caawa ayay Takbiirta is qabsatay Masaajida Magaalada Hargeysa. Xilli inta badan dadka ay hurdeen, kuna tashadeen in maalinta berrito ay soomi doonaan ayay ku soo baraarugeen Takbiirta.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed uu ku dhawaaqay in berrito ay ciid tahay.

Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay in Sabtida laga ciidi doono dhulka ay maamulaan, xilli ay sheegeen in bisha laga arkay dhulka ay ka arrimiyaan.

Dowlad Deegaanada Soomaalida Itoobiya ayaa looga dhawaaqay in berrito ay ciid tahay, dadkana loogu hambalyeeyay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com